Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowlada oo Gowracay Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo dagaal lagu qabtay

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa shalay galinkii dambe weerar xoogan waxa ay kusoo qaadeen saldhig ciidamada Milatariga Soomaaliya ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaal daqiiqado badan socday ayaa la sheegay in labada dhinac ku dhax maray degmada Qoryooley, waxaana dagaalka labada dhinac dhax maray ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray.

Xoghayaha degmada Qoryooley Ibraahim Malable ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Miliatariga iska difaaceen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa uuna tilmaamay in Al Shababa weerarkaasi khasaaro xoohan lagu gaarsiiyay.

Ibraahim Malable ayaa xusay in Al Shabaab dagaalka looga dilay afar dagaal yahan uu ku jiro sargaal katirsanaa kooxdaasi uu tilmaamay in ay qabteen ciidanka isaga oo dhaawac ah kadibna ay gowraceen.

Waxa uu tilmaamay xoghayaha Degmada Qoryooley in hada kadib gowracayaan ninkii Shabaab katitsan ay qabtaan, waxa uuna sheegay in Al Shabaab iyagu bilaabeen in dadka gowracaan iyagana markooda ay gowracayaan hadii ay qabtaan.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Qoryooley ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah kala kulma dagaalyahanada Al Shabaab oo ku sugan deegaano hoos taga degmada Qorooley.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Islaan 90-sanno jir ah oo Shan maalin kaddib laga helay bur burka dhisomo dhul gariir ku dumay

Cabdi Cade

Xog ku aadan sida uu u dhacay Dilka Gudoomiyihii degmada Hodan iyo Saraakiisha loo …

Cabdi Cade

Mid kamid ah Safaaraha Soomaaliya ku leedahay dalka Dibadiisa oo la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---