Malaayiin Lacag ah oo lagu qoray Erey Khalad ah iyo Go’aan laga soo saaray

Bangiga dalka Australia ee loo soo gaabiyo RBA ayaa daabacay lacagta 50-ka dollar ee dalkaasi, waxaana lacagtan cusub ee la daabacay dhawaan lagu arkay erey si khalad ah loogu qoray.

Lacagta bangiga daabacay oo gaareysa malaayiin Dollar ayaa si khalad ah loogu qoray Ereyga “responsibility”. ama Masuuliyad , waxaana lacagtan ay ku faaftay guud ahaan dalka Australia iyadoona ay adkaatay in lacagtaasi la bedelo.

Bangiga RBA ayaa xaqiijiyay ereyga khaladka ah ee lagu daabacay lacagta 50-ka dollar  , waxa uuna bangiga cadeeyay in lacagtan hada lasii isticmaali doono lana sixi doono marka dambe ee la daabacayo lacag cusub.

Lacag ku dhaw 46-Milyan oo dollar ayaa la sheegay in lagu qoray ereyga khaldan, waxaana dadweynaha Austarlia lagu wargaliyay in lacagtan ay isticmaali karaan wax culees ahna uusan ka jirin .

Waxaa lacagtan la daabacay bihii October ee sanadkii hore , hasa ahaatee in la ogaado ereyga khaladka ee ku qoran lacagta 50-ka dollar ee dalka Austraila ayaa qaadatay mudo dhowr bilood ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -