Madaxweyne Waare oo Jowhar u tegay fulinta hal qorshe oo ku wajahan Xildhibaanada ku kacsan

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar.

Safarka Madaxweyne Waare oo ahaa mid deg deg ah ayaa waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo xildhibaano waxaana soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle iyo iyo xubno kale.

Dib u laabashada Waare ayaala sheegay iney la xiriirto sidii uu u kala furfuri lahaa ku dhawaad 60 ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Hir–Shabeelle oo mooshin kalsooni noqosho ah ka gudbiyey, iyagoo ku eedeynayay xil gudasho la’aan iyo maamul xumo.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu kulamo gaar gaar ah la yeesho xildhibaanada Hir-Shabeelle ee mooshinka ka gudbiyay si uu ugu qanciyo iney ka laabtaan mooshinkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Waare uu dhaqaale ka helay dowlada dhexe oo uu dhowaan heshiis la gaaray, si uu ugu adeegsado kala furfurida Xildhibaanada ku kacsan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -