Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jen. Odawaa Yuusuf Raage oo faahfaahin ka bixiyey howlgalada ka socda Sh/hoose

Xaalada degaanadii ay la wareegeen Ciidammada Xoogga dalka ee gobolka Sh/hoose ayaa saaka degan iyadoo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay weli ka socdaan degaano ka tirsan gobolka.

Taliyaha Ciidamada Dhulka Jen. Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallada, isaga tilmaamay in deegaanada haatan ay la wareegeen ciidamada ay yihiin kuwii dhibaatooyinka ugu badan ay Al-Shabaab ugu gaysan jireen Shacabka.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa tilmaamay inay Howlgaladan sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga soo afjarayo.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhanka kalena sheegay inay jiraan Qaraxyo lagu diyaariyey goobaha qaar ee lala wareegay, kuwaasoo ay burburiyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Qofkii u horeeyey ee lagu tallaalay wadne Doofaar oo geeriyooday

Caydiid Ali

Sidee Cali Guudlaawe loogu soo dhoweeyey degaanka Gerijir ee G/Hiiraan? (Sawirro)

Caydiid Ali

Trump oo shaaciyey inuu ka badbaaday afgembi xukunka looga tuuri lahaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---