Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Kismaayo oo qabtay Xashiish aad u badan iyo raggii waday (Sawirro)

Ciidamada booliiska maamulka Jubbaland ee ka howlgala magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa gacanta ku dhigay xashiish aad u badan iyo sidoo kale labo nin oo waday.

Saldhigga booliiska magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu soo bandhigay xashiishkan booliiska qabteen oo la sheegay in uu gaarayay 142kg , waxaana lagu qabtay gaari lagu soo qariyay oo carro dusha sare looga soo shubay.

Taliska booliiska magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada ka warheleen dhagarta raggan waday xashiishka, waxa ayna sheegeen in xashiishka ku dulshubeen carro badan si aan loo dareemin waxa ay wadaan .

Booliiska ayaana sheegay in raggan lasoo qabtay ay ku socdaan baaritaanno ku aadan halka ay u wadeen xashiishka iyo cidda usoo dhiibtay, waxa ayna xuseen in baarista kaddib in raggan loo gudbin doono maxkamad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Stefan Tillander iyo Xubno kale (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Aktarka caanka ah ee Sanjay Dutt oo ay qabsatay dhacdo si weyn looga hadal hayo caalamka

Caydiid Ali

Cumar Filish oo amar adag ku soo rogay shacabka iyo ganacsatada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---