Cumar Filish oo amar adag ku soo rogay shacabka iyo ganacsatada Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in khasab uu yahay xirashada maaskarada si looga hortaggo fiditaanka cudurka Karoona.

Waxaana amar lagu siiyay ganacsatada iyo xafiisyada dadweynaha in aysan u adeegin qof aanan soo xiran afka iyo sanka.

“Si looga hortaggo xannuunka oo sii faafayo waxaa dhammaan goobaha ganacsiga sida maqaayadaha, carwooyinka, bangiyada iyo xafiisyada bixiyo adeegyada dadweynaha iyo dhammaan nooc kasta oo goob ganacsi ah waxaa la farayaa in aysan u ogolaan qof aanan heysan af-xirasho ama Facemask” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay maamulka Banaadir.

Arrintan ayaa kusoo aadeysaa xilli maalmihii u dambeeyay ay si kordhayeen tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19,loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -