Madaxa Booliska caalamiga ah ee INTERPOL oo nolol iyo geeri lagu la’yahay

Waxaa la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay Madaxa booliska caalamiga ah ee Interpol Meng Hongwei xilli uu ku sugnaa dalka Shiinaha, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in xabsiga la dhigay.

Labo sano ka hor ayaa Meng Hongwei loo magacaabay xilka madaxa booliska caalamiga ah ee Interpol u xarunteedu tahay dalka Faransiiska, muran xooggan ayaana laga keenay magacaabistaas.

Taliyaha ayaa wax war ah laga waayey tan iyo intii uu socdaalka ku tegay shiinaha dhamaadkii bishii hore sida ay sheegtay xaaskiisa.

Warar ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa waxaa lagu sheegay iney qabteen laanta anshaxa ee Shiinaha oo ay leedahay waaxda baaritaanka xisbiga shuuciga ah ee talada dalkaasi haya si su’aalo loo weydiiyo, balse ma jirto arrintaas cid weli xaqiijisay.

Interpol oo arintan qoraal ka soo saartay ayaa sheegtay in xaalada Meng Hongwei ay tahay mid laga walaaco ayna doonayaan inay wax ka qabtaan dawladaha Shiinaha iyo Faransiiska oo ay sheegeen iney arintan khuseyso.

Kuma cusba shiinaha in la waayo qof magac leh ama xil sare haya, jilaaga ugu caansan dalkaas Fan Bingbing oo sadex bilood la weysanaa ayaa dhowaan lagu helay dambi ah inuu la baxsaday canshuuro ku waajibay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -