Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha NISA & Mukhtaar Roobow oo kulan albaabadu u xiran yihiin ku leh Baydhabo

Wafdi ka socda laamaha ammaanka dowlada Somalia oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray maanta gelinkii dambe magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay Wafdigan ayaa u tagay Baydhabo xal ka gaarista arrinta Mukhtaar Roobow, waxaana hogaaminaya Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen.

Taliyaha iyo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa waxaa la soo sheegayaa in kulan xasaasi ah oo albaabadu u xiran yihiin uu uga socdo magaalada Baydhabo.

Kulanka oo ka socda Garoonka dayuuradaha Baydhabo ayaa waxaa dibad joog ka ah Saraakiisha u dhow Mukhtaar Roobow oo loo diiday iney kulanka ka qeyb galaan.

Waxaa kulanka diirada lagu saarayaa waxa laga yeelayo Musharaxnimada Roobow iyo War Saxaafadeedkii maalin ka hor ka soo baxay Wasaarada amniga Somalia oo arintaas ka hor timid.

Wasaarada amniga Somalia ayaa sheegtay in Roobow aanu u tartami karin doorashada hogaanka Koonfur Galbeed, maadaama wali aanu laga wada qaadin cunaqabteyntii ay saartay Beesha Caalamka balse Roobow ayaa ku gacan seyray arrintaas, isagoo isla maantaba ololihiisa doorasho Baydhabo ka sii waday.

Saraakiisha Nabad sugida ayaa isku dayaya iney Roobow ka dhaadhiciyaan inuu ka laabto musharaxnimada doorashada hogaanka Koonfur Galbeed, uuna u hogaansamo amarkii ka soo baxay dowlada federaalka, lamana oga illaa hadda waxa ka soo bixi doona kulankaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/wali Gaas oo sanad ka dib ku wajahan Garoowe & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

Nin Qiray in lacag dhan 300- Dollar lagu siin jiray Haweenka uu kufsado kadibna dilo

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay rag burcad ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---