Mukhtaar Roobow oo mar kale ku celiyay in Musharax Madaxweyne yahay !! (Daawo Sawirada)  

Afhayeenkii hore ee kooxda Al Shabaab hada ah Musharax u taagan Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa maanta mar kale ku celiyay in uu yahay Musharax u taagan Doorashada Madaxweymaha Koonfur Galbeed.

Abuu Mansuur ayaa maanta ku qabtay magaalada Baydhabo munaasabad uu ku shaacinayay in uu yahay Musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana munaasabada ka qeyb galay Xildhibaano katirsan Koonfur Galbeed, Siyaasiyiin , Waxagarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Hadal uu Munaasabada ka jeediyay Sheekh Abuu Mansuur ayuu ku sheegay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxa uuna shaaciyay in waxyaabo badan oo wanaag ah qaban doono hadii la doorto.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayuu ka codsaday Abuu Mansuur in codkooda ku taageeraan, waxa uuna balan qaaday hadii uu guuleesto in uu furi doono Wadooyinka Al Shabaab xirteen, waxa uu sidoo kale balan qaaday in uu wax ka qaban doono ciidanka dadka shacabka ah dhibaateeya.

Afhayeenkii hore ee Al Shabaab hadana ah Musaharaxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abuu Mansuur ayaa u muuqda mid iska indho tiraya amarkii kasoo baxay Dowlada ee looga joojiyay in uu ka qeybgalo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -