Xagee ku dambeeyeen gaadiid looga shakiyay in ay hub sidaan oo Cadaado lagu qabtay ?

Magaalada Cadaado waxaa maalintii sabtida lagu qabtay lix gaari oo nuuca xamuulka qaada ah , waxaana gaadiidkan looga shakiyay in ay wadaan hub iyo sidoo kale gaadiid nuuca aan xabaduhu karin.

Ciidamada amaanka ayaa gaadiidkan ku qabtay koontaroolka laga soo galo magaalada Cadaado, waxaana gaadiidkan oo la sheegay in ay ka yimaadeen Boosaaso ay kusii jeedeen dhinaca magaalada Dhuuso mareeb.

Gaadiidkan ayaa la sheegay in ay wadaan hub iyo baabuurta aan xabadaha karin , waxaana gaadiidkan warar soo baxaya sheegayaan in hubka iyo baabuurta ay wadaan ku socdeen Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo hada xarun u ah Dhuuso Mareeb.

Wasiirka Madaxtooyada Galmudug Garabka Cadaado Cumar Maxamed Guureeye , ayaa sheegay in gaadiidkan xamuulka sida ka shakiyeen ciidamada amaanka sidaana ku qabteen, waxa uuna xusay in guddi baaritaan loo saaray gaadiidkan la qabtay.

Waxa uu sheegay Guureeye in gaadiidkan gacanta lagu hayo in looga shakisan yahay in ay saanad hub ah sidaan, waxa uuna xusay ilaa hada in aysan jirin cid maamulkooda kala soo xiriirtay gaadiidkaan la qabtay .

Gaadiidkan xamuulka sida ee lagu qabtay  Cadaado ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in ay ka yimaadeen Boosaaso kuna socdeen dhinaca  Dhuuso Mareeb, mana jiro wali wax war ah oo gaadiidkan ku saabsan oo kasoo baxay maamulka Galmudug Garabka Xaaf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -