Mooshinkii laga keenaya Madaxweynaha Hirshabeelle oo la taageeray

Golaha Badbaadada Hirshabeelle (GBH) ayaa  taageeray Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ay Xildhibaanada Hirshabeelle u gudbiyeen Gudoonka Barlamaanka Hirshabeelle.

Gudoomiyaha Golaha Badbaadinta Hirshabeelle C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) oo arinkaa ka hadlayay ayaa yiri “ Golaha Badbaadada Hirshabeelle waxaa uu si buuxo u taageerayaa Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, mooshinka waxan u rajeyn guul inuu ku dhamaado oo xilka si dustuuri ah looga qaado Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare si u badbaado maamul goboleedka Hirshabeelle, si loo helo hogaan cusub oo xasilooni siyaasadeed iyo horumar keeni karo”

Gudoomiyaha Golaha Badbaadinta Hirshabeelle Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij)

Gudoomiye C/qaadir Barnaamij  ayaa intaa ku daray  “Golaha Badbaadada Hirshabeelle oo runtii la saftay halgankii xildhibaanada iyo gudoonkoodu u galeen sidii loo badbaadin lahaa Hirshabeelle,  wuxuu ugu baaqaayaa Xildhibaanada Hirshabeelle dhamaan in ay taageeraan Mooshinkaan, ugu danbeyna iyagoo isku duubana ay  xilka  ka  xayuubiyaan Madaxweyne Waare”

Gudoomiye C/qaadir Barnaamij ayaa ka codsaday Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Guudlaawe “Inuu u hiiliyo isbadalka ay garwadeenka ka yihiin Xildhibaanada oo helaya taageerada shacabka oo uu ka shaqeeyo in sharcigu shaqeeyo, xildhibaanadana ay waajibaadkooda dustuuriga ah gutaan, wuxuu  bogaadinayaa Golaha Badbaadada Hirshabeelle xikmada iyo waayo aragnimada Madaxweyne ku xigeenku u leeyahay xaaladahan oo kale”

Ugu danbeeyntii Gudoomiyaha Barnaamij ayaa u rajeeyay  Hirshabeelle in si nabad ah oo sharciga waafaqsan ugu baxdo xiligaan adag isagoo, dhamaana gacmaha lays qabsado oo la garab istaago xildhibaanada Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -