Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii iyo Weeraradii caawa ka dhacay Muqdisho

Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo weeraro ay fuliyeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana weeraradan ka dhashay khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dabley hubeesan ayaa xoog uga soo gudbay koontaroolka Sayidka ee laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada, waxa ayna dableydan toogteen mid kamid ah ilaalada kontaroolka iyagoona kadib usoo gudbay aaga albaabka laga galo Madaxtooyada.

Raga hubeesan ayaa la sheegay in gaariga uga dagteen inta u dhaxeysa Masjidka Isbaheysiga iyo afaafka hore ee Madaxtooyada, waxa ayna ragan qorsheenayeen in ay gudaha u galeen Madaxtooyada.

Gaarigii ay wateen ragan ayaa ku qaraxy meel ku dhaw albaabka Madaxtooyada, Ciidamada ilaalada Madaxtooyada ayaan dagaal xoogan la galay ragii hubeesnaa oo dagaal saacado kooban kadib goobtaasi lagu dilay.

Qaraxa iyo iska hor imaadka ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya waxa aku dhintay askar katirsan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, lamana oga in weerarkaasi dad shacab ah uu khasaaro kasoo gaaray.

Dhinaca kale gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray afaafka hore ee Hotelka Dorbin ee kuyaala agagaarka Xarunta Hay’ada Nabad sugida Soomaaliya ee guriga Habar Khadiijo,

Qaraxan waxaa ku dhintay ku dhawaad 20-qof oo u badnaa dad shacab ah oo marayay agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana dadka dhintay ku jira hooyo iyo caruur ay dhashay oo halkaasi ku sugnaa.

Dadka sidoo kale qaraxan ku dhintay waxaa ku jiray ciidmo katirsan dowlada oo ilaalo u ahaa masuuliyiin gudaha Hotelka ku jiray, qaraxan ayaa sidoo kale bur bur xoogan gaarsiiyay Hotelka iyo goobo kale oo ku dhaw.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxyada iyo weerarada caawa ka dhacay Muqdisho, waxa ayna sheegeen Al Shabaab in bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen masuuliyiin iyo ciidamo katirsan dowlada.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali shaacin khasaaraha guud ee weerarada iyo qaraxyada caawa Muqdisho ka dhacay ka dhashay, waxa ayna dowlada sheegtay in ay dib kasoo faah faahin doonaan khasaaraha weerarada caawa ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -