Dowlada Somalia oo u ogolaatay Safaarad kutaala Muqdisho in ay dhoofsato Sagaaro

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu ogolaaday Safaarada Qadar ku leedahay magaalada Muqdisho in ay dhoofsato duur jog gaar ahaan sagaaro laga soo qabtay gudaha Soomaaliya.

Wasaarada ayaa Safaarada u ogolaatay in ay dalka ka dhoofsato 14-xabo oo sagaaro ah oo loo qaadayay dalka Qadar, waxaana Wasaarada sheegtay in sagaarada la dhoofinayay la marsiiyay baaritaano caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -