Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Caddaaladda iyo Wafdi la socday oo safar shaqo ku tagay dalka Masar

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo Garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalka, ayaa safar shaqo ku gaaray dalka Masar.

Wasiirka Cadaaladda iyo wafdiga la socda ayaa Qaahira ku tegay casuumaad uu u fidiyay wasiirka Cadaaladda Masar, Cumar Marwaan, oo ay dhawaan Ciraaq uga wada qeyb galeen meertadii 39aad ee golaha Cadaaladda ururka jaamacadda Carabta.

Wasiirada Cadaaladda labada dowladood ayaa yeelanaya kulamo ay uga wada hadlayaan horumarinta cadaaladda iyo Garaoorka, iskaashiga oo xoojinta xariirka.

Masar waxaa ay kamid tahay dowladaha xariirka soo jireenka ah ee qotada dheer uu nagala dhexeeyo, dadaal badan iyo garab istaag buuxana ku bixiyay dib u dhiska dowladda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada oo kahor timid go’aano ay soo saareen guddigii baarayay kiiska ….

Cabdi Cade

Somaliland oo si kulul uga hadashay talaabo ay qaadeen xubno ka tirsan DF (Akhriso)

Caydiid Ali

Shariif Xasan oo weeraray Farmaajo & Wararkii ugu danabeeyay dhibkii ka dhacay Gobalka Awdal ee Somaliland!!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---