Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada oo kahor timid go’aano ay soo saareen guddigii baarayay kiiska ….

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in go’aano soo saareen guddi saraakiil ah oo loo xil saaray in baaritaan ku sameeyaan hadalkii gefka ahaa uu Ra’isul Wasaaraha dalka ku eedeeyay taliyaha ciidanka badda .

Go’aanka kasoo baxay guddiga baarista ayaa la sheegay kahor inta aan la shaacin in ay ka carootay madaxtooyada Soomaaliya ayna ku amartay taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya in aan lasoo bandhigin natiijada baarista.

Guddiga baarista ayaa la sheegay inay isku raaceen falka uu ku kacay Taliyaha ciidanka Badda uu ahaa mid aad u baalmarsan anshaxa Ciidanka, iyaga oona go’aamiyay in xilka laga qaado taliyaha ciidanka badda.

Jen. Odawaa ayaa la sheegay in go’aanka guddiga uu ka horyimid, isla markaana dib ugu diray Warqad uu Guddiga ku waydiinayo su’aalo ay horay uga jawaabeen, warqada ayaana la sheegay in ku qorneyd qoraalo hanjabaad ka muuqatay.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo horey u amray baarista kiiskan ayaa wararku sheegayaan in aan lala wadaagin natiijada kasoo baxday baarista lagu sameeyay hadalkii gefka ahaa ee kasoo yeeray taliyaha ciidanka badda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la tuhmayaa in ay wax ka ogeyd eeda taliyaha u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana Madaxweynaha la sheegay in uu kasoo horjeedo in xilka laga qaado taliyaha ciidanka badda laguna soo oogo dembi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Borotokoolka geerida iyo aaska Queen Elizebeth oo la dejiyay 68 sano ka hor

Caydiid Ali

Weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Jarmalka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dal Yurub kuyaalla oo €200 bilyan ku bixinaya si uu wax uga qabto qiimaha sareeya ee gaaska

Cabdi Cade
Taboola Ads ---