Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Rakaab ku dhax hurday Diyaarad ay la socdeen oo laga xaday alaabo qaali ah

Inta badan dadka ku safra diyaaradaha duulimaadka dheer gala ayaa ku dhax hurda kuraasta ay fadhiyaan, hasa ahaatee waxaa arin cusub noqotay in diyaarada dhaxdeeda lagu xado rakaabka diyaarada saaran.

Rakaab saarnaa diyaarad ay leedahay shirkadda South Airways (SAA) ayaa ku dhax hurday diyaarada , waxaana rakaabkaasi oo watay alaabo qaali ah lagula kacay fal xatooyo oo fajac ku noqday.

Qaar kamid ah rakaabkii diyaarada saarnaa ayaa markii ay soo tooseen waxa ay waayeen alaabo qaali ah iyo lacago, waxaana alaabaha la xaday ay ku jireen boorsooyin saarnaa kuraasta korkeeda halka booroosooyinka la saarto.

Masuuliyiin katirsan Shirkada Diyaaradaha South Airways ayaa Warbaahinta u sheegay in mid kamid ah diyaaradooha oo ka duushay Johanesberg kuna sii jeeday Hong Kong lagu xaday rakaab diyaarada saarnaa.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee SAA ayaa sheegay in la helay alaabihii la xaday, waxa uuna xusay in la aqoonsaday dadkii ka dambeeyay falkaasi xatooyada ah ee ka dhax dhacay diyaaradooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Q/M oo fariin adag usoo diray Madaxda Soomaalida

Cabdi Cade

Ciidamada Ruushka oo qabtay, ka dibna toogasho ku dilay Uriy Ilyich iyo Ilaaladiisa

Caydiid Ali

Saameynta Khilaafka ka dhashay Muxaadaradii la joojiyey ee Shiikh Umal (Warbixin)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---