Nin toorey ku dhaawacay Wiil labo sano ka yar oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa lagu soo bandhigay nin da’ ah oo lagu eedeeyay in uu toorey ku dhaawacay wiil yar oo da’diisa lagu sheegay Hal sano iyo bar.

Saraakiisha booliiska maamulka Jubbaland oo soo bandhigay ninkan ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan falka uu ninkan odayga ah ku dhaawacay wiilka aadka u yar.

Axmed Cusmaan Haafow ayaa lagu eedeeyay in qoorta toorey uga dhaawacay wiil yar, mana ka hadlin ninkan eedeesanaha dambiga lagu soo eedeeyay iyo waliba sababaha ku kalifay in uu dhaawaco wiilka yar.

Hooyada dhashay wiilka yar ayaa sheegtay in ninkan la qabtay toorey qoorta iyo meelo kale uga dhaawacay xili banaanka uu joogay , waxa ayna sheegtay in aysan ogeyn sababta ninkan ku xambaartay falkaasi uu ku kacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -