Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Ruushka oo qabtay, ka dibna toogasho ku dilay Uriy Ilyich iyo Ilaaladiisa

Ciiddanka Raashiya ee Duullaanka ku qabsaday qeybo ka mid ah dalka Ukraine ayaa la sheegay inay dileen Duqii magaallada  Hostomel ee dalka Ukraine, Yuriy Ilyich Prylypko iyo 2 ka mid ah Ilaaladiisa.

Toogashadaasi ayaa dhacday, xilli uu Maayarka qeybinayey Gargaar Aadminimo.

Qoraal ay Golaha Deegaanka ee magaallada Hostomel soo dhigeen Bartooda Facebook ayey ku xaqiijiyeyeen dilka Yuri Ilyich Prilipko.

Qoraalka waxaa lagu sheegay inay Ciiddanka Raashiya toogteen Maayarka, xilli uu Cunto iyo Roodhi u qeybinayey dadka baahan iyo kuwa xanuunsan ee ku nool magaallada Hostomel.

Dhinaca kale, Wasaaradda Difaaca ee UK ayaa sheegtay in Ruushka uu si ula kac ah u bartilmaameedsado xarumaha isgaarsiinta ee Ukraine.

Weerar kan la mid ah oo todobaadkii hore lala beegsaday taawarka Telefishin ku yaala Kharkiv taa oo sababtay in ay hakad gasho shaqada Telefishinkaasi.

 

Related posts

Xassan Shiikh oo dardaaran adag siiyey ciidamo loo qaadayo jiidaha dagaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Port Elizabeth iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ganacsade Caawa lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---