Daawo Sawirda “Sida Loogu Dabaal Dagay Sanadka Cusub 2018’ka Dalalka caalamka”

Dalalka caalamka ayaa si weyn looga dabaal degay sanadka cusub ee 2018 ka, iyadoo dalalka Mareykanka iyo Canada ay wali ka socdaan xafladaha, maadaama ay saacado badan ka dambeeyaan wadamada kale ee caalamka.

Boqolaal kun oo dad ah ayaa isugu soo baxay fagaarah Central London gaar ahaan Victoria Embankment  ee magaalada London si ay u daawadaan dabaal dega sanadka cusub ee 2018 ka.

Sidoo kale Caasimada Brazil ee Rio de Janeiro ayaa dad badan isugu soo baxeen, gaar ahaan xeebteeda caanka ah ee Copacabana, iyadoo mar qura markii saacada ku dhacday 12-ka saq dhexe cirka loo riday buler iyo waxyaabo kalaro kala duwan lahaa.

Goor sii horeysay dalalka Yurub ayay ka dhaceen dabaal degyada, inkastoo ammaanka si weyn loo adkeeyay maadaama laga cabsi qabay weeraro Argagixiso.

Japan ayaa iyana waxaa ka dhacay dabaal deg aad u weyn oo lagu soo dhoweynayay sanadka cusub, iyadoo daarta Tokyo Tower midibo kala duwan ka muuqday, sidoo kale Koofur Korea ayaa iyana dabaal degyada ka dhaceen.

Wadamada Australia iyo New Zealand ayaa dabaal degyo waa weyn ka dhaceen, inkastoo ay qaaradaha kale ee adduunka kaga horeeyeen dabaal dega sanadka cusub ee 2018 ka.

Magaalooyinka Paris, Munich, Helsing, Amesterdam, Viena iyo kuwa kale oo Yurub ka tirsan ayaa dabaal degyada ka dhaceen.

Magaalada Dubai ayaa waxaa iyana sida looga bartay dabaal dega sanadka cusub ay xaflado waa weyn ka dhaceen, inkastoo uu hareeyay dab qabsaday dhismo dheer oo ku dhow daarta adduunka ugu dheer ee Burj Khaliifa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -