(Sawirro) Dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay Itoobiya iyo dad ku dhintay

Ugu yaraan saddex qof oo ayaa ku dhimatay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay magaalooyin ka tirsan Itoobiya halka tiro kale oo shacab ah ay ku dhaawaceen.

Dibad-baxyada ayaa looga soo horjeeday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyagaa taageeraya Jawar Maxamed oo ku eedeeyay dowladda inay ilaaladiisa kala noqon rabto.

Labo qof oo kamid ahaa dadkiii dibad-baxyada ka dhigayay magaalada Adama ayaa lagu dilay halkaas iyadoo hal qofna uu ku dhintay magaalada bariga ku taal ee Harar, sida ay saraakiisha sheegayaan, Waxaana la xiray waddooyinka ku yaal gobolka Oromiya iyo waddooyinka gala Addis Ababa.

Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel uu ka dhaco dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra’isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isagoo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka billawday 2016-kii.

Waxaa jiray warar sheegaya inay isaga iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo horay xulafo u ahaa ay kala boodeen.

Jawar Maxamed ayaa sheegay in xaley lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaareen gurigiisa, iyadoo dowladda Itoobiya aysan hadlin arrintan.

Jawaar wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay ilaaladiisa ku amreen inay isaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelinin sababta. Wuxuu ku anddoocaday in tallaabadaas looga golahaa in halis lagu geliyo noloshiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -