Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal Milatari oo ku geeriyooday bam gacmeed Hadiyad ahaan loogu geeyay

Sargaal sare oo katirsanaa ciidamada milatariga dalka Ukraine ayaa geeriyooday, kaddib markii ay ku qaraxday bam loogu geeyay hadiyad ahaan, xilli uu sargaalka u dabaaldegayay maalintiisa dhalashada.

Jenaraal Hennadiy Chastyakov, oo 39 jir ah ahaana La taliyahii madaxa ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa ku geeriyooday qaraxa lasoo qariyay ee hadiyad ahaanta loogu geeyay sida warbaahinta ku warameen.

Sargaalkan oo u dabaaldegayay maalinta dhalashadiisa ayaa la sheegay in qaar kamid ah asxaabtiisa hadiyad ahaan ugu keeneen bam , waxaana la sheegay in wiilkisa uu furay baakada hadiyad ku jirtay sidaasna ugu qaraxday.

Jenaraal Hennadiy Chastyakov ayaana ku dhintay qaraxa hadiyad loogu keenay, halka wiilkiisa oo 13-sanno jir ahna uu qaraxa kasoo gaaray dhaawac culus, waxa uuna falkan argagax badan galiyay milatariga dalka Ukraine uu muhiim u ahaa sargaalkan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaaskii ugu badnaa abid oo laga helay Deegaan ay Soomaali leedahay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay qiimaha Xajka ee sanadkan

Caydiid Ali

Midowga Musharixiinta oo si kulul uga hadlay fashilka shirkii Afisiyooni (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---