Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Nasri Warsame oo looga adkaaday Doorasho ka dhacday dalka Mareykanka

Doorashada Kursiga xaafada 10-aad ee golaha deegaanka Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa soo dhammaatay, waxaana doorashada kursigaasi looga adkaay musharax Soomaaliyeed oo si weyn loo saadaalinayay in uu soo bixi doono.

Natiijada doorashada kursigan ayaana ahaa mid si weyn loo wada sugayay, waxaana dad badan filayeen in doorashada kursiga xaafada 10-aad uu kusoo bixi doono musharaxa Soomaaliyeed Nasri Warsame oo olole xooggan u galay doorashada kursigan.

Doorashada waxaa ugu dambeyn ku guuleesatay gabar asalkeedu Hindi yahay oo lagu magacaabo Aisha Chughtail, gabadhan ayaana heshay codadkii ugu badnaa ee la dhiibtay, waxa uuna galay kaalinta saddexaad musharax Nasri Warsame.

Musharax Nasri Warsame ayaa cadaadis badan kala kulmay siyaasiyiin Soomaali Mareykan ah iyo dad kale oo Soomaaliyeed oo qabiil ahaan uga hiiliyay, waxa uuna musharaxan galay maalmihii lasoo dhaafay olole xooggan ,inkastoo uusan hadda guuleysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo wareegii koobaad lagu kala baxay (Yaa ku Guuleestay)

Cabdi Cade

Askari ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland oo Xukun dil ah lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo safar deg deg ah ugu ambabaxay Magaalada Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---