Akhriso Magacyada :Wasiirada , Taliyaasha iyo Xubnaha kale ee looga yeeray Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa soo saaray qoraal uu ugu yeerayo Masuuliyiinta Hay’adaha Amniga in ay ku hor yimaadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka maalinta sabtida oo ku beegan 6-da April.

.Xubnaha Baarlamaanka looga horyeelay ayaa kala ah Wasiirka Amniga Maxmed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar (Yariisow)

Dhamaan xubnahan loo yeerayay ayaa u’aalo adag laga weediin doonaa xaalada amaan daro ee kusoo korortay magaalada Muqdisho iyo qorshaha amni ay diyaariyeen Hay’adaha amniga ay ugu tala galeen in ay wax ka qabtaan.

Halkan ka Akhriso Liiska Xubnaha looga yeeray Fadhiga Baarlamaanka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -