Melania Trump oo booqasho ku joogta Magaalada Nairobi (Daawo Sawirro)

Marwada Koowaad ee Waddanka Mareykanka, Melania Trump, ayaa waxay xalay dalka Kenya ku soo gaartay booqashadii ay ku maraysay afarta dal ee Afrikaanka ah.

Booqashadeeda Kenya ayaa la filayaa inay diiradda ku saari doonto arrimaha la xiriira dhaqanka iyo ilaalinta duurjoogta.

Waxaa la xiray qeybta ka mid ah garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta markii ay soo caga dhiganaysay diyaaraddii sidday Melania Trump. Waxa ayna maamulku qorsheeynayaan in marka ay dalka ka baxayso ay sidaa si la mid ah sameeyaan.

Inta ay joogto dalka Kenya waxay booqan doontaa xarumaha ugu caansan ee lagu dhaqaaleeyo duurjoogta, sidoo kalana waxa ay daawan doontaa ruwaayad lagu soo bandhigayo Tiyaatarka Qaranka ee Kenya.

Dhanka kale Melania Trump ayaa markii labaad la kulmi doonta dhigeeda marwada koobaad ee dalka Kenya. Waxayna Margaret Kenyatta ku amaantay ololeheeda ay ugu magacdartay “Beyond Zero” kaas oo lagu hormarinayo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Marwada u dhaxda Donald Trump ayaa iyadana la imanaysa ololeheeda loogu magacdaray ”Be Best” kaas oo lagu doonayo in lagu hormariyo nolosha caruurta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -