Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay safiiro dalal reer galbeed ah (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenaya aya kulamo gooni gooni la qaatey qaar kamid ah safiirada dalalka reer galbeedka u jooga dalkaas.

Axmed Madoobe ayaa Safiirada uu kulamada la qaatay waxaa ka mid ah Maraykanka, Sweden, Jarmalka iyo Canada.

Warbaahinta Jubbaland ayaa baahisay in kulamadan lagaga hadley xaalada Amni ee uu hadda dalku ku sugan yahay, Arrimaha Siyaasadda iyo Sidii loo sii ambaqaadi lahaa adeegyada horumarineed ee ay dowladahani ka taageeraana Jubbaland, Sidookalena lagawada shaqeeyo hoos u daadejinta maamulka si adeeg hufan loo wada gaarsiiyo bulshada gobolka.

Axmed Madoobe ayaa waxaa khilaaf adag uu kala dhexeeyaa dowlada Somalia, waxaana xeel dheerayaasha siyaasada ay rumeysan yihiin inuu isku dayayo beesha caalamka inuu ka dhaadhiciyo waxyaabaha keenay inuu xiriirka u jaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Muxuu yahay heshiiska ay Addis ababa ku kala saxiixdeen Somalia iyo Itoobiya? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madasha Badbaado Qaran: “Waxaan qaadeynaa talaabo kasta oo ka dhan ah muddo kororsiga”

Caydiid Ali

Rag kufsi iyo jir dil u geestay gabar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---