Allbanaadir.com
NEWS

UN-ka oo joojiyey Mashaariicdii uu ka waday Hirshabelle & sababta keentay oo la ogaaday

Dhammaan Mashaariicdii ka socday Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo dhaqaalaheeda uu bixin jiray UN-ka ayaa joogsaday ka dib markii ay soo if baxday Maamul xumo keentay in Warbixino isdiidan laga gudbiyo Mashaariicdaas.

Dhibaatadan ayaa salka ku heysa curyaamin Madaxda ugu sareysa Hirshabelle ay ku hayaan Wasaaradaha la rabay inay shaqadan qabtaan, waxaana taa badalkeeda shaqadii inteeda badan la wareegay La taliyaal Hoostaga Madaxtooyada Hirshabelle oo fadhigeeda ka dhigatay Magaalada Muqdisho.

UN-ka oo qaab tijaabo ahaan u sii daayey Mashaariicda Horumarineed ee la doonayo in laga fuliyo Hirshabeelle ayaa isla markiiba waxaa caqabad ku noqday Madaxda ugu sareyso Hirshabeelle oo talada isku koobay.

Gaadiid iyo Qalab Xafiisyo loogu talagalay in lagu socodsiiyo Howlaha Wasaaraddaha ayaa waxaa la wareegay Madaxtooyada,illaa iyo haddana ma jiro cid arintaas wax iska weydiisay.

Madaxweynaha iyo Madaxweyna ku xigeenka ayaa la kulmay Madaxda UN-ka waxaana loo sheegay inay shaqada u daayaan cidda ay quseyso, iyadoo arintaasina weli aysan jirin war cad oo ka soo baxay.

Tan iyo Markii la doortay Hogaanka Cusub ee Hirshabeelle wax isbadal ah lama imaanin marka laga reebo Duulaan Siyaasadeed inuu ku hayo beelaha.

UN-ka ayaa hadda ka fiirsanayo Joojinta Shaqaalaha uu bixiyo Mushaharkooda, waxaana inta badan Shaqalahaas lagu qaatay qaab Musuq-Maasuq ah.

Cabdiraxman Maxamed Cali (Diini)
cabdiraxmandiini5@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Jilaaga Caanka ah ee Amitabh Bachchan iyo xubno katirsan Qoyskiisa oo isbitaal la dhigay

Cabdi Cade

Dad badan oo ku dhintay Shil Tareen oo ka dhacay Qaahira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Saraakiil tiro yar oo Shaaciyay in Xilka ka tuureen Hoggaanmiye Paul Henri Sandaogo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---