Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Erdogan: ” Waa in Maxkamada dembiyada ee ICC la horkeenaa Netanyahu”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan Turkiga ayaa ku baaqay nin hogaamiyaha Israa’iil Benjamin Netanyahu la horkeeno maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee dambiyada si loogu ciqaabo xasuuqa uu ka geysatay Gaza,

Erdogan oo la hadlay saxafiyiinta la socday diyaarada madaxweynaha xili uu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Kazakhstan ayaa Ra’iisul wasaare Netanyahu ku tilmaamay dambiile dagaal.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa si weyn u dhaleeceeyay ficillada Israa’iil ee Gaza, isagoo todobaadkii hore ku eedeeyay Israa’iil inay ka gudubtay xuquuqdii ay u lahayd inay is-difaacdo, ayna xasuuq cad ka wado Gaza.

Erdogan waxaa uu sheegay in Turkiga uu ka shaqrynayo in madaxda Israel lagu ciqaabo xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo dembiyada dagaal ee  ka socda Gaza

“Mas’uuliyiintayada ay khusayso, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa fulin doona shaqadan,” ayuu yiri Erdogan ku daray, sida ay sheegtay Anadolu.

Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu wadaa in uu dhawaan la kulmo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken oo haatan booqasho ku marayo bariga dhexe.

 

Related posts

Magacyada Masuuliyiin la horkeenay Maxkamada G/Benadir & Lacagaha loo heysto

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu Wasiirka A/Dibadda DF kala hadlay agaasime Luca Maestripieri?

Caydiid Ali

Ciidamadii diidanaa muddo kordhinta oo bilaabay iney ka baxaan Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---