Ciidamadii diidanaa muddo kordhinta oo bilaabay iney ka baxaan Muqdisho

Saaka ayaa la filayaa in ciidamada isku horfadhiyey magaalada Muqdisho ay dib ugu noqdaan xeryahoodii, kaddib markii shaley Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu booqday goobaha fariisinka u ahaa ciidamadan.

Waddooyinkii magaalada ayaa laga qaaday dhifeysyadii carada ahaa, waxaana saaka la dhameystirayaa howshaas sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowlada ee la baxay badbaado Qaran.

Ciidamadan ayaa lagu wadaa iney ku laabtaan Xeryihii iyo degaanada ay markii hore ka soo baxeen ka dib markii laga laabtay muddo kororsigii madaxda DF ee sababay iney gadoodaan.

Heshiis qodobo badan ka kooban oo ay gaareen dhinacyada Siyaasada Muqdisho iyo RW Rooble ayaa ugu dambeyn lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay muddo kororssiga ee ay ku dhaqaaqeen ciidamadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -