Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “Jidbada RW Xamze kama turjumayso Maslaxadda Somalia”

Soomaaliya qeybinteedu waxey bilaabatay 1884, welina wey ku socotaa ilaa laga gaarayo dadka Soomaalida ah oo aan ku mideysneyn magaca Soomaaliya, taas oo macnaheedu tahay in la tirtirayo jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo ay Soomaalidu ku mideysan yihiin, waxaana lagala dagaalamayaa Soomaalida iney dhisato dowlad xoogan oo isku haysa wadajirkeeda ummaddeed iyo midnimadeeda dhuleed, iyo jiritaanka madaxbanaanida qaranimadeeda.

Israel waxa la aasaasay 1948, waxaana Yuhuuda u soo qaxday dhulka Falastin soo dhoweeyey dadka reer Falastiin oo weliba la galay baayac Yuhuda, kaas oo ahaa ganacsi ay kaga iibsanayeen dhulal ay degaan, waxaana tixgelin mudan in la ogaado in wax badan oo Falastiin ku dhacaya ay raali ka wada yihiin Carabta kuwooda ugu dhaqaalaha iyo awooda badan, waxeyna qeybinta Carabta ay ka soo bilaabatay markii Yuhudu ay dib u soo degtey Dhulka Falastin.

Soomaaliya waxaa qalad weyn ku ahayd iney sheegato isirka Carabnimada, islamarkaasna ay ku biirto ururka Carabta, iyadoo Soomaaliya ay ku dhagarowdey damaceedii ku dhisnaa qadiyadda xoolo doonka ahayd, balse taas bedelkeeda u horseeday iney marba marka ka dambeysa kala kulmeysey dhaawac ka halis badan oo ugu darsamay kuwii qeybiyey 1884, waxeyna Carabtu ahayeen kuwa Soomaaliya ku soo hogaamiyey gumeystihii reer Yurub, maantna ku maalgelinaya xagjiriinta diidan jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Soomaaliya hadda waxaa haysata dhibaatooyin loogu soo adeegsaday Carabta, waxeyna qaarkood doonayaan iney kheyraadkeeda kala qeybsadaan oo hantidooda ku iibsadaan qeybo ka mida dhulka Soomaalida, iyagoo heshiis danwadaaga ku la ah reer Galbeedka, waxaana kuwaas ka sii daran kuwa kale oo doonaya in aafada xagjirnimada ay ku soo ururto Soomaaliya oo ay noqota dowlad la’aan, iyaguna ay markaas kadib caalamka uga noqdaan dalaaliin wax ka qabadkeeda oo ay ku muteystaan iney taas ku helaan tixgelin weyn.

Soomaaliya maanta magac Carbeed iyo mid Islaanimo midna kuma difaaci karto Falastin oo runtii ah wax laga xumaado waxa lagula kacayo shacabkeeda rayidka ah, laakiin waxaa xusid mudan in Soomaaliya doorkeedu uu yahay mid ku qadiyada Carabta oo ay ka tirsan tahay, waxeyna badankoodu ka aamusan dhibaatada Falastin ku dhaceysa, qaarna ayagaaba taageeray falalka Yuhuda ay kula kaceyso Falastin oo ay arxandaradu ku badan tahay, waxaana aragtidooda kulmisay sida arxandarada ah oo ay iyaguba kula kacayaan dadkooda, taas oo ka daran midka Yuhudu kula kaceyso Falastin.

Waxaa xusid mudan inaan wax badan ka barano dhacdooyinka soo mara addunka oo ay taariikhdoodu dhow dahay, waxaana tusaale muuqda u ah Angela Merkel oo ahayd haweeney raisulwasaaraha Jarmalka ka ahayd iney la soo deristey in dalkeeda ay sida daadka ugu soo rogmadeen Carab badan oo ka soo qaxday dagaalada ka socda Ciraaq, Siriya, iyo Liibiya, waxeyna shacabka Jarmalka ay argagax ka muujiyeen qulqulka faraha badan ee qaxootiga Carabta oo dalkooda sida xad dhaafka ah u soo gelaya, waxeyna cadaadis saareen dowladooda iyagoo ka careysan sababta loogu ogolaaday iney dalkooda soo galaan qaxootigaas faraha badan.

Waxey shacabkeeda iyadoo amaan ugu laab qaboojineysa ay ku tiri: “Muslimka waxey adduunka ugu jecel yihiin Maka iyo Madiina oo ay rumeysan yihiin iney diintooda u yihiin dhulal barakeysan, balse taas bedelkeeda ayey iyagoo arkaya Maka iyo Madina oo uga dhow Jarmalka ayaa waxey door bideen iney nabad, nolol, iyo naxariis dadnimo ay u soo raadsadaan Jarmalka, waxeyna sidaas ay carabta soo qaxday ay noogu qireen inaan ka dadnimo iyo diin wanaagsan nahay oo si walba aan uga wanaagsan nahay waxey caqiido ahaan nabad uga soo waayeen dhulalkooda barakeysnaa.”

Kuwii Soomaalida qeybiyey 1884 waxey awoodeen iney gumeystaan Soomaaliweyn oo mideysan, balse waxey taas ka doorbideen qadiyadooda diineed oo Soomaalida u arkaysey dad aan lahayn aragti siyaasadeed oo aysan dhankooda ka jirin dano lala wadaago oo lagu mideyn karo iyo mitidnimada ku abuureysa caadifad waaliya oo ay u qabaan seeflaboodnimada diintooda awgeed, waxeyna qeybinta Soomaliweyn ku saleeyeen warbixinadii ay ka kala heleen dhul iyo dad baareyaashii ahaa dhulmareenadii reer yurub, kuwii Carabta, iyo kuwii magaca Islaamka ku xukumayey qeybo ka mida dhul weynaha Soomaalida.

Carabta ayaa waxey horay Soomaaliya ugu geysatey dhagaro ay heshiisyo kula gashay reer Yurub inta aysan gumesteyaasha reer Yrurb aysan imaan Soomaaliya, waxeyna xiligaas kadib ay weli dhibaato la dabataagnaayeen Jamhuriyadda Soomaaliya oo ah haraagii yaraa oo ka soo hartay Soomaaliweyn, waxeyna ay weli la damacsan yihiin iney sii kala qeyb qeybiyaan, iyagoo maalgelintooda ku fulinaya dardaaranka ay ka helayaan reer Galbeedka, kaas oo salka ku haysa ilaalinta danaha siyaasadeed ee reer Yurub ay ka leeyihiin mandiqada, waxeyna taas bedelkeeda ay aaminsan yihiin iney fadliga jiritaanka xukunka boqortooyooyinkooda iyo nimcada ay ku haystaan ay ku heleen oo keliya sugida reer Galbeedka ay amnigooda sugayaan iyo amaanogelinta maalkooda awgeed.

Wadanada ah maalqabeenada Carabta iyo kuwa muga weyn ku leh siyaasadda Carabta ayaa si wadajira waxey diyaar ugu wada yihiin inay u maraan wada kasta oo lagu raali gelinayo maslaxada iyo danaha reer Galbeedka, iyadoo hirgelinteeda ay u marayaan wax walba oo ay awoodaan iney sameeyaan xataa haddii ay ku kalifto iney jebiyaan xeer diin, mid dhaqan, iyo mid ku dhisan isbahaysi Carbeed ama Muslinimeed ama derisnimo wanaag ku qotomey, waxeyna taas ay baylah uga dhigtay Soomaaliya iney si wadajira wixii ay doonaan iney uga wada hirgeliyaan, iyadoo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed ay meesha ka maqan tahay.

Soomaaliya waxey horay ugu hungowday saaxiibtinimadii kala dhexeysey wadamada shuuciyiinta ahaa oo ay mabda’ooda ugu gashay si ay hub iyo iskaashi difaac ay uga hesho, waxeyna taas ay ku dambeysey fashil siyaasadeed oo ay Soomaalidu kala kulantay fikradihii ku dhisna aayokatalinta jabhadihii gobonimadoonka Soomaaliyeed oo ay isla xulafadii ay Soomaaliya maciinka bideysey iney garab ka siiso ka gun gaarida hadafyadaaas ay heshiiska horay ugu wada ahayeen, ayaa sabab u noqday iney ku jebiyeen dagaalkii 1977, dhacdasaas oo si dhaqso leh u soo xirtay ku xirnaanta fikradaha reer Bariga oo intooda badan ku dhisanaa taakuleynta xukuumadaha ku dhisan kelitalisnimada.

Waxaana sidoo kale fashil siyaasadeed oo kaas la mida ay Soomaaliya kala kulantay kadib markii ay u wareegtey xulufadii reer Galbeedka oo aan weli hilmaamin makarafoonkii codka dheeraa oo Sofieyetku u adeegsan jirey Sooomaaliya iney fagaaraha caalamka ku haruufto reer Galbeedka, waxeyna taas ay sabab u noqotay in reer Galbeedku ay Soomaalida uga baxaan dagaalka ay kula jirtey Itobiya 1977 oo ay ka gaabsadeen iney Soomaalida siiyaan taakuleyntii hubka oo ay baahida weyn sida daran ugu qabtey si ay Itobiya ugu xoreeyso dhulka Soomaalida galbeed, waxaana sidaas Soomaaliya ugu dhacday laba jab oo ay kala kulantay labada quwadood ee addunka ugu xoogga weynaa.

Soomaaliya oo ay maanta ka dhex jirto dhibaatooyin waaweyn oo haysta jiritaanka dowladnimadeeda ayaa waxey dantu ku kaliftay iney miciin bido jidka keliya ee u furan oo ah iney garab istaag siyaasadeed iyo taakulo dhaqaale ay warsato Carabta iyo reer Galbeedka oo qeyb weyn ka ah dhibaatada Soomaaliya hadda haysata, kuwaas oo labaduba ka wada siman iney hal gacan ku bixiyaan gargaar, meesha haddana ay islamarkaas ay gacanta kale waxyeelo ku geystaan, waxeyna duruufahaas haysta dalka awgeed ay sidaas Soomaaliya siyaasad ahaan ay ku ogolaatay dhibka iyo dheefta ay kala kulmeyso isbaheysiga labadaas kooxood, maadaama aysan jirin wado kale oo uga fudud oo ay doorasho u leedahay.

Mudane Raisulwasaare Xamze ayaa qiiro laablakaca ku xumeeyey siyaasadda arrimaha dibeda Soomaaliya oo dantu ay horay u baday iney ku negaato siyaasadda dhexdhexaadnimada, sidaasna ay uga nabad gasho waxyeeladda ay wadato herdenka dagaalada adduunka ka socda oo wax macno ah aysan ugu jirin maslaxada Soomaalida iney barbarna la safato, wuxuuna hadalka ka soo yeeray RW Xamze uu siyaasad arrimaha dibeda Soomaalida uu ku abuuray hurgun halistiisa laga baaqsan karey, waxeyna hadaladaas aan macnaha u lahayn heykalka diblomaasiyadeed ee dowladnimada Soomaaliyeed ay abuureysaa qar iska tuurnimo sabab u noqda in laga aaminbaxo Soomaliya, waxeyna taas ku tahay waxyeelo xiriirka soo hagaagaya oo ay Soomaaaliya la leedahay caalamka ay iskaashiga waxqabad ay kula jirto, kaas oo salka ku haya xaqiiqda waaqiciga ah ee baahida siyaasadda Soomaaliya ay manta ku dhisan tahay.

Hadalka caadifadeysan ee uu ku hadlay Raisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xamze ma wuxuu ka turjumayaa isbedel ku yimid siyaasadda arrimaha dibeda Soomaaliya, mise wuxuu tilmaamayaa inuu cabirayo fashilkii siyaasadeed ee soo jireenka ahaa ee Soomaalida caadada u ahayd? Waxaan shaki lahayn in xanuunka danqashada qalbiga aysan marna noqon karin dareen siyaasadeed oo si caadifeysan loogu hagi karo diblomaasiyadda arrimaha dibeda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxeyna shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in haddii ay jirto aag bedelesho siyaasadeed in loo sheego cida loo aag wareegsadey.

Hadalka Raisulwasaaraha wuxuu si cad u tilmaamayaa in Soomaaliya aysan u degsaneyn qorsho siyaasadeed oo waxqabadkeeda si istratejiyadeed loogu hiigsanayo mowqifyo cad oo ay raaceyso siyaasadda arrimaha dibeda, waxaana haboon in la tixraaco ooraahda uu Madaxweyne Dr. Hassan uu marar badan ku celceliyey oo ahayd “kuma rabo waxey keentaa adigana kuma rabo,” waxaana hadda taas loo fasirin karaa “Xamaz urur argagixiso mahan iney jawaabteedu noqoto Shabaabna urur argagixiso ma ahan.”

Caadifadaha murugeysan oo danahoodu ay ku kooban yihiin mustaqblka dhow waxaa ka muhiimsan in laga dhowrsado xanafteeda siyaasadeed oo waxyeeladda ku reebeysa Soomaaliya wakhtiga fog, waxeyna ahayd Raisulwasaare Mudane Xamze inuu taageero qadiyada Faalastin oo ah iney hesho aqoonsi dowladeed iyo in la joojiyo duqeymaha lala beegsanayo shacabka rayidka ah ee reer Falastin, wuxuuna mowqifkaas isagoon cidna ku xadgudbin uu si diblomaasiyadeed codka Soomaalida uu ugu biirin lahaa xal u helida dhibaatada u dhexeysa Yuhud iyo Falastin, meesha hadda hadalkiisa loo arko mid sii hurinaya xasarada.

Waxey Soomaalidu ay hadda indhaheeda ku arkeysaa in dagaaladii qabiilada ay dib dalka ugu soo xoogeysteen, waxeyna taas ay tilmaameysaa fashilka siyaasdda arrimaha gudaha oo ay sabab u tahay in wasaaradaas aysan haysan miisaaniyad ku filan oo ay waajibaadkeeda ku gudato, taas oo ka turjumeysa in Soomaaliya aysan lahayn qorshooyin uga degsan siyaasdaheeda arrimaha gudaha oo istratejiyad ahaan loogu fulinayo waxqabadkeeda, waxaana taas wax badan ka sii daran kadib marka raisulwasaaraha dalka oo xadreysan uu ku harqaday laablakac uu ku burburiyey inta yareyd ee ka hartay diblomaasiyadda ay ku dhisneyd siyaasadda arrimaha dibedda, waxeyna taas ay dhabada u xaartey in sidaas si la mida ineysan jirin qorshe Soomaaliya uga degsan siyaasadaheeda arrimaha dibedda, balse taas bedelkeeda ay hogaamineyso siyaasadaha ku dhisan jidbada shaqsiyadeed ee madaxda xukuumadda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com
——————————————————————
F.G: Qoraalkan wuxuu uu u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kamana tarjumayo aragtida Allbanaadir Online

 

Related posts

Muxuu yahay ujeedka safarka taliye Xijaar ku tagay Magaalada Dhuusamareeb? (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaali ka mid noqotay dadkii lagu xasuuqay Masjidyada New Zealand (Magacyada)

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Weeraro lagu hayo Masaajidada iyo xarumaha ay leeyihiin muslimiinta dalka….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---