Muxuu yahay ujeedka safarka taliye Xijaar ku tagay Magaalada Dhuusamareeb? (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray maanta Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Taliye Xijaar ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb ku soo dhoweeyey saraakiisha ciidanka Booliska Galmudug qaarkood iyo xubno kale.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka safarka Dhuusamareeb ku tagay taliye Xijaar uu yahay mid la xiriira mid uu ugu kuurgalayo amniga, si loo ogaado heerka diyaar garoowga sugidda amniga doorashooyinka, isagoo booqasho tan la mid ah ku kala bixin doona dhamaan xarumaha dowlad goboleedyada kale, marka laga reebo magaalada Baydhabo oo uu tagay dhowaan.

Safarka Taliye Xijaar ayaa ku soo beegmay xili todobaadkii hore Baarlamaanka Galmudug uu ansaxiyey Sharciga dhismaha Booliska Galmudug oo amniga kala wareegaya kuwa Faderaalka ee halkaas ku sugan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -