Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Soomaali ka mid noqotay dadkii lagu xasuuqay Masjidyada New Zealand (Magacyada)

Ugu yaraan  Soomaali ah oo uu ku jiro wiil yar ayaa la sheegay iney ka mid noqdeen dad gaaraya 49 qof oo saaka lagu laayey labo masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Nin hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad fara badan oo salaada Jimcaha ku tukanayey labo masaajid oo halkaas ku yaalla, waxaana weerarkan ku dhaawacmay dad kale oo aad u fara badan.

Dadka Soomaalida ah ee illaa hadda la ogyahay iney ku dhinteen weerarkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Shiikh Nuur Muuse Cawaale oo ahaa Macalin dugsi Qur’aan, nin magaciisa lagu soo koobay Shiikh C/qaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaaladdii Biyaha Xamar,  iyo Wiil 6-sano jir ah oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Aadan Diiriye kaasoo la socday aabihiis oo weerarkan ka badbaaday.

Soomaalidan ayaa ka mid ahaa waxay ka mid ahaayeen dadka ku dukanayay masaajidada weeraradu ka dhaceen, waxaana geerida dadkan xaqiijiyey qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaas.

SAWIRRKA: Aabe Aadan Diiriye oo wada meydka wiilkiisa 6 sano jirka ah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Maxbuus ku jira Xabsiga dhexe oo Xog muhiim ah bixiyey & Warar kale

Caydiid Ali

Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Taraafikada Muqdisho

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar culus oo dhaliyay khasaaro badan ka fulisay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---