Sheekh Aadan Madoobe oo geed hoostiisa kula shiray Odayaasha Dhaqanka Xudur (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Golaha odayaasha dhaqanka ee Gobolka Bakool ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay dhaqanku sheegeen inay aad u cakiran tahay, dhammaan magaalooyinka iyo deegaannada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Khawaariijta ah ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday in gacan laga siiyo la dagaallanka argagaxisada.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS. Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka Gobolka Bakool ku ammaanay dadaalada ay ku doonayaan inay in kooxda nabadiidka ah isaga xorreeyaan si dadka, deegaanka iyo gobolka uu u helo nabad iyo xasilooni, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ka go’antahay ciribtirka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab Isla markaana ay gacan ka siineyso xureynta deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolka Bakool.

- Advertisement -