Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ka dhacay Isgooska Soobe ee Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada ah ayaa saakay aroortii hore ka dhacay isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana jugta qaraxan laga maqlay qeybo badan oo Muqdisho katirsan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa miino lagu xiray goob ganacsi oo kutaalla isgooska Soobe, goobta la qarxiyay ayaa xilligaasi la sheegay in ay xirneed.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo dumar ah ayaa qaraxa miino ku dhaawacantay, waxaa sidoo kale khasaaro bur bur uu soo gaaray goobta ganacsi ee qaraxa lagu xiray.

Laamaha ammaanka ayaan wali ka hadlin qaraxa miino ee saakay ka dhacay Muqdisho, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxan saakay lagu xiray goobta ganacsi.

Related posts

Ehelada Mukhtaar Roobow oo dalab xasaasi u gudbiyey Shiikh Aadan Madoobe (Sawirro)

Caydiid Ali

Yaa Hoggaaminaya Wadahadalka Sacuudiga uga furmaya Dhinacyada isku haya Sudan?

Cabdi Cade

Dacwad ka dhan ah Farmaajo oo la diyaarinayo iyo Dambiyada loo heesto oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---