Ehelada Mukhtaar Roobow oo dalab xasaasi u gudbiyey Shiikh Aadan Madoobe (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha shacabka Somalia Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la kulmay ehelada Mukhtaar Roobow oo muddo saddex sano ka badan u xiran DF.

Ehelada ayaa ka dalbaday Gudoomiye Aadan Madoobe inuu gacan ka geysto sidii xabsiga looga sii deyn lahaa Mukhtaar Roobow oo ay sheegeen inuu si sharci daro ah weli xabsiga ugu jiro.

“Waxaan caawa hoygeyga  kulan kula qaatay Guddi Ka socda Ehelka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo i soo gaarsiiyay cabasho ay ka qabaan sii xernaanshaha Sh. Mukhtar  oo ay sheegeen in markii hore loo maray waddo baalmarsan sharciga” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa intaas ku daray in ehelada ay la wadaageen in dowladii soo xirtay Mukhtaar Roobow aysan ka jirin dalka, dowlad cusubna la wareegtay sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sii daayo.

“Ehelka waxay ila wadaageen walaaca ay ka qabaan in Mukhtaar wali xiran yahay iyadoo xukuumaddi soo qabatay aysan dalka ka arrimin waxayna iga codsadeen inaan ka shaqeeyo sidi dib loogu soo celin lahaa xorriyaddiisa iyadoo loo marayo hanaan sharci ah” ayuu sidoo kale yiri Mukhtaar Roobow.

- Advertisement -