Yaa Hoggaaminaya Wadahadalka Sacuudiga uga furmaya Dhinacyada isku haya Sudan?

Boqortooyada Sacuudiga ayaa martigalineysa wadahadal la filayo inuu u furmayo labada jeneraal ee isku haya dalka Sudan, waxaana Sacuudiga gaaray ergo kala mataleysa labada dhinac ee isku haya Sudan.

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaana hormuud u ah qabsoomida wadahadalka nabadeed, waxa ayna qoraal wadajir ah oo labada dal soo saareen kusoo dhaweeyeen qabsoomida wadahadalka u furmaya milatariga Sudan iyo ciidamada RSF.

Wadahadalka labada ciidan ee is haya u furmaya ayaa looga gon leeyahay sidii loo heli lahaa xabbad-joojin, sidoo kale ciidamada looga saari lahaa deegaannada ay dadka shacabka go’doonka ku yihiin loon ajheli lahaa gar gaar.

Milatariga Sudan ayaa wadahadalka ka furmaya Sacuudiga waxaa hormuud u ah oo ku metelaya Jeneral Abubakar Faqiiri  iyo Ambassador Cumar Sadiiq, xubnmahan ayaa waxaa soo wakiishay Hoggaamiyaha milaytariga Jeneraal Burhaan.

Dhinaca kale ciidamada RSF waxaa wadahadalka ku metalaya Qooni Xamdaan Daglo oo la dhashay taliyaha ciidamada RSF iyo sidoo kale Cumar Xamdaan iyo Faaris Al-Nuur  oo ah La-Taliyaha taliyaha RSF iyo madaxa Khubarada ee arrimaha Aadminimada.

Wadahadalkan u furmaya dhinacayada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa la filayaa in xal KMG ah u noqdo colaada dhiiga badan ku daateen ee ka socda dalkaasi, waxaana labada dhinac ee dagaalamaya lagu cadaadinayaa in ay wadahadal galaan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -