Jordan oo la baxday safiirkeedii Israel iyo Xerada Jabalia oo mar kale la duqeeyey (Sawirro)

Jordan ayaa u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Israa’iil, iyada oo muujineysa halka ay ka taagan taha dagaalka Gaza, kaaso sababay dhimashada Falastiiniyiin badan, sidoo kalana sababay xaalad bani’aadanimo oo daran, sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibadda ee Jordan.

Dhanka kale war uu soo saasaaray wasiirka arimaha dibadda ee Jordan ayuu ku sheegay in Safiirkii Israa’iil ee Jordan uusan ku soo noqon karin waddanka. Safiirka ayaa dhawaan isaga tagay Jordan.

Wasiirka ayaa sheegay in hadii safiirku soo noqdo ay micnaheeda tahay in Israa’iil ay joojineyso dagaalka ay ku wado Gaza, sidoo kalana ay joojineyso waxa uu ugu yeeray musiibo bani’aadanimo, taasoo Falastiiniyiinta u diiday inay helaan cunto, biyo, daawo, iyo xaqa ay u leeyihiin inay nabad ku noolaadaan iyaga oo ku sugan caradooda.

Dhinaca kale. Weerarkii labaad ayaa lagu qaaday Jabalia kaasoo ku soo beegmaya wax ka yar 24 saac kadib markii tobanaan qof lagu dilay laguna dhaawacay halkaasi weerar cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel.

Weerarka lagu qaaday xeradan oo ah xaafad si aad ah loo soo buuxiyay oo ku taal waqooyiga Qaza ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 100 qof sida ay sheegeen maamulka Falastiin. Ilaa 150 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen.

Weerarka waxaa ku dhintay 19 xubnood oo isku qoys ah.

Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay ka dambeysay weerarka, iyadoo sheegtay in ay bartilmaameedsatay taliye sare oo Xamaas ah kaasoo joogitaankiisa ay diiday Xamaas.

Duqeyntan ayaa caro ka dhalisay guud ahaan dalalka Carabta, waxaana cambaareeyay hay’adaha samafalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -