Sidee shacabka Muqdisho ugu diyaar garoobeen soo dhoweynta Munaasabada Ciidul adxaa?

Iyadoo maalinta beri ah oo Talaado ah ay ku beegan tahay Munaasabada maalinta 1aad ee Ciidul-adxaa oo ka mid ah labada ciidood ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ah ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo guudnahaan Somalia waxay diyaar-garowgii ugu dambeeyey ugu jiraan dabaaldega maalintaasi.

Dadka inta awooda u leh waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen munaasabada ciidul adxaa, iyadoo qaar kale oo baddana aysan ka ka war heyn ciida duruufaha dhaqaale ee heysta awgood.

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu soo baxay dad fara badan oo dukaameysanaya, iyagoo iibsanaya waxyaabo kala duwan, qaar kale waxay buux dhaafiyeen xarumaha shirkadaha xawaaladaha si lacagaha loo soo diray ay uga qeyb qaataan ciida.

Dadka qaar ayaa suuqyada ka iibsanaya dhar iyo waxyaabo kale, halka kuwa kale ay isku mashquulinayaan sameynta cuntooyinka iyo macmacaanka ay ugu talo galeen ciida sida buskutka xalwada doolshaha iyo iwm, iyadoo haweenka qaarkoodna ay cilaan iyo waxyaabo kale oo la isku qurxiyo loogu sameynayo goobaha dumarka ay isku qurxiyaan ee loo yaqaano Beauty Salon-ka.

Suuqyada sida weyn looga dareemayo mashquulka ayaa waxaa ka mid ah, Bakaaraha, Xamar-weyne, suuq bacaad iyo Suuqyo kale oo ku yaala caasimada kuwaAsoo maalmihii ugu dambeeyey ahaa kuwo mashquul badan.

Dhinaca kale, waxaa sare u kac xoogan laga dareemay qiimaha la kala siisto xoolaha nool sida Ariga, Lo’da iyo Geela oo dad badan ay iibsadaan xiliyadan oo kale si ay ugu sadaqeystaan maalmaha ciida dadka kale ee walaalahood ah ee laga yaabo inaaney waxba heysan iyadoo dhinaca kale sanadkan xoolo kumanaan gaaraya loo dhoofiyey dhinaca dalka Sacuudiga.

Malaayiin muslimiin ah ayaa manta waxay dul taagan yihiin buurta carafo ee ku taalla magaalada barakeysan ee Maka, iyagoo gudanaya rukniga Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee islaamka, Iyadoo malaayiin kale oo muslimiin ah kuna baahsan caalamka ay Sooman yihiin maalinta sagaalaad si ay midnimo ugu muujinayaan malaayiinta walaalahood ah ee xajinaya.

- Advertisement -