Allbanaadir.com
NEWS

Digniin laga soo saaray haan weyn oo oo lagu arkay xeebaha gobolka…

Taliska qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa digniino kasoo saaray haan weyn oon la ogeyn waxa ku jira, taas oo kusoo caarisay xeebta deegaanka Ilfooxshe ee dhaca bariga deegaanka Garacad ee degmada Jariiban .

Qoraal ay soo saareen taliska booliiska gobolka Mudug ee Puntland ayaa dadka deegaanka looga digay in ay u dhawaadaan haanta xeebta kusoo caarisay, booliiska ayaana sheegay in haantan ku jiri karaan sun ama noqon karaan waxyaabo qarax sameeya.

”Shacabka ku dhaqan deegaanada ilfooxshe iyo deegaanada dhaca xeebaha gobolka Mudug, ayaa loogu baaqayaa in ay ka fogaadaan haamaha noocaas ah, kuwaasi oo ah haamo sun ah oo mararka qaarna qarax wayn ka dhalan karo, kasoo saameyn kara dad iyo duunyaba” ayaa lagu yiri qoraalka booliiska.

Marar badan xeebaha Soomaaliya waxaa kusoo caariyay haaman aan la ogeyn waxa ku jira , mana jiro baaritaanno lagu sameeyo haamahaasi xeebaha Soomaaliya kusoo caariya oo looga shakiyo in ay ku jiraan sun ama waxyaabo kale aan wannaagsaneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Cali Daahir Ciid (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo War ka soo saaray Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay Jowhar

Caydiid Ali

Xusuusta Horumarka Isboorti ee degmada Waaberi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---