Yaa ka Dambeeyay qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Muqdisho (Xog Cusub oo soo baxday)

Wargeysyada kasoo baxa dalka Turkiga qaarkood ayaa qoray in qaraxii dadka badan ku dhinteen ee sabtidii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ay ka dambeesay dowlada Imaraaadka Carabta.

Sida uu qoray Wargeyska YeniSafak ee kasoo baxa Turkiga qaraxa waxaa maleegtay dowlada Imaaraadka Carabta uu sheegay Wargeyska in ay siyaasad ahaan kasoo horjeedo dhaq dhaqaaqa dowlada Turkiga ka wado Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sheegay in xog hoose uu helay ay tilmaameyso in dhaxal sugaha dalka Imaaraatka Max’ed Bin Sayid Al-Nahyan uu bixiyay amarka qaraxa lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Wareyska in bartilaameedka qaraxa uu ahaa shaqaale Turki ah oo ka shaqeenayay dhismaha laamiga Isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo dib u dhis hada uu ka socdo.

Wargeyska Turkiga kasoo baxa ee YeniSafak ayaa ku waramay in qaraxa Muqdisho ka dhacay lagu soo beegay isla maalintii dawlada Turkiga ay isku diyaarinaysay taageero ciidan oo la siiyo dawlada caalamku aqoonsanyahay ee Libya.

Wargeyska waxaa uu sheegayaa in cadaymaha uu hayo ay ka mid yihiin baaritaano la sameeyay iyo xiriiro kaleba lagu ogaaday in qaban qaabada qaraxaas ay dawlada Imaaraatku lahay si gaar ah dhaxal sugaha

Waxa uu sheegay Wargeyska in ujeedka qaraxaas ka laheyd dowlada Imaaraatka Carabta ay aheyd  in la qalqal galiso hawlaha taageero ee dawlada Turkigu ka wado dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Libya.

Qaar kamid ah dowladaha Carabta oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in ay qeyb ka yihiin xasilooni darada ka jirta Soomaaliya sidoo kale maalgaliyeen qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo Soomaaliya ka dhacay.

Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaana safka hore kaga jira dowladaha xasilooni darada ka abuuraya Soomaaliya kuwaa oo isku garbinaya dano iyaga u gaar ah ee ka leeyihiin Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -