Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Gantaal khasaare nafeed geystay oo saaka ku dhacay gudaha dalka Masar & Israel oo..

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof ay ku dhaawacmeen kaddib markii gantaal ku dhacay magaalada loo tamashlaha tago ee Taba ee Masar oo u dhow xuduudda Israa’iil.

TV-ga Masar ayaa sheegay in lix qof ay ku dhaawacmeen sidoo kalena dhismo ku dhowaa uu burbur soo gaaray. Goob jooge ayaa ku waramay inuu maqlay qarax ka dibna uu ka dhashay qiiq xoogan iyo boor.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay ka war hayeen wararkaas balse dhacdadan ay ahayd mid ka baxsan xudduudahooda.

Dhinaca kale, Siddeed baabuur oo kale oo gargaar ah ayaa la filayaa inay maanta u gudbaan Gaza sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay

Siddeed baabuur oo kale oo sida cunto, dawooyin iyo biyo ayaa la filayaa inay u gudbaan Gaza Jimcaha, sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay.

“Waxaan ku qaadnay ku dhawaad 74 baabuur. Waxaan filaynaa siddeed kale ama wax ka badan maanta,” Lynn Hastings, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee dhulalka Falastiin ee la haysto, ayaa u sheegay saxafiyiinta Geneva.

 

Related posts

Baroordiiqdii loo sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir oo la dhaliilay

Caydiid Ali

Labo nin oo lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Kulan Shaki badan abuuray oo dhax maray Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh (Sawirro)

Cabdi Cade