Allbanaadir.com
NEWS

Biden oo shaki geliyey tirada badan ee dhimashada Gaza & jawaab cad oo la siiyey

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa daabacday magacyada kumannaan falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarrada Israa’iil, ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu su’aal galiyay kalsoonida lagu qabi karo tirada dhimashada ay wasaaradu soo saarto

Liiska falastiiniyiinta lagu dilay dagaalka Qaza ayay Wasaarada Caafimaadka Gaza ku soo daabacday in ka badan 150 bog, mararka qaar waxaa ku jira tobanaan qof oo isku magac ah: Qoysaskaas oo dhan ayaa lagu baabi’iyay weerarada cirka ee Israel.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa soo saartay liiskan iyadoo diiwaan gelisay dhimashada in ka badan 7,000 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan ku dhawaad 3,000 oo carruur ah, tan iyo markii uu dagaalku billowday 7-dii Oktoobar.

In ka yar 24 saacadood ka hor, Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa shaki geliyey tirooyinka, isagoo sheegay inuusan kalsooni ku qabin tirada ay Falastiiniyiinta isticmaalayaan.

Heyadaha u dooda xuquuqda falastiiniyiinta ayaa sheegay in hadalka Biden uu qayb ka yahay dadaalka maamulkiisa ku doonayo inuu ka dhimo khasaaraha Falastiiniyiinta, iyadoo Washington ay sii waddo taageerada ololaha duqaynta Israa’iil.

 

“Hadalada Madaxwaynuhu waa kuwo aad looga xumaado, mas’uuliyad darro ah, ayna ka muuqato cunsuriyad cad iyo falastiin naceyb ah,” ayey tiri Zeina Ashrawi Hutchison oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda falastiiniyiinta.

Xafiiska bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa ka jawaabay shakiga maamulka Biden uu ka qabo tirada dhimashada ee Gaza, isagoo sheegay inay sii wadayaan adeegsiga tirooyinka ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

“Qaramada Midoobay waxay ku tiirsan tahay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza oo ah isha laga helo tirada dhaawacyada iyo dhimashada aaggaas,” ayuu yiri afhayeen u hadlay OCHA oo ku sugan dhulka Falastiiniyiinta.

Kooxaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa qiray in tirooyinka wasaaradda caafimaadka Gaza ay yihiin kuwo la isku halayn karo.

Related posts

DEG DEG: Boqorkii K/Cagta dunida Pele oo geeriyooday isagoo 82 jir ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wasiir Abuu Mansuur oo ka towbad keenay fikirkii Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---