Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuuliyiin ka socota Iran iyo Xamaas oo gaaray Magaalada Moscow

Wakaaladda wararka ee RIA ee ay dowladdu maamusho oo soo xiganaysa ilo ka tirsan wafdiga Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in Xubin sare oo ka tirsan Xamaas Abu Marzook uu ka mid yahay wafiga booqanaya Moscow.

Ruushka wuxuu xiriir la leeyahay dhammaan kooxaha muhiimka ah ee Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Israel, Iran, Maamulka Falastiiniyiinta iyo Xamaas.

Xukuumadda Moscow ayaa marar badan ku eedaysay qalalaasaha taagan inay sabab u tahay guul-darrooyinka diblamaasiyadda Maraykanka, waxayna ku baaqday xabbad-joojin u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas iyo in dib loo bilaabo wada-hadallada looga gol-leeyahay in lagu helo xal nabadeed oo waara.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa si gooni ah u sheegtay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iran Ali Baghiri Kani uu sidoo kale booqanayo Moscow.

Lama oga waxaa isku soo beegay booqashada wufuuda Iran iyo kooxda Xamaas ku tageen Moskow, iyadoo dalalka reer galbeedka ee Mareykanku horkacayo ay shaki badan ka qabaan waxaa halkaas lagu karkarinayo.

Related posts

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo midoobo Al-Shabaab ka dib weerarkii hotel Xayat

Caydiid Ali

Antony Blinken oo booqashadiisa ugu dambeysay ku tagaya saddex dal oo…

Cabdi Cade

Mareykanka oo Xamaas ka codsaday iney aqbasho xabad joojin ay Israel soo jeedisay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---