Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo u yeeray taliyaha ciidanka XDS iyo Labo wasiir

Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta isugu yimid kulan looga hadlay qodobo uu ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan golahan.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyey weerarkii guriga Cabdi Qaybdiid iyo cidda ka dambeysay, waxayna ku doodeen inaan lagu qanci karin in 40 askari oo loo soo xir-xiro weerarkaas balse loo baahan yahay in la caddeeyo cida amarkaas bixisay iyo ujeedada laga lahaa.

Guddoonka aqalka sare ayaa u yeeray inay Golahaas hor yimaadaan Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga Somalia Maxamed Abuukar Isloow iyo Mursal Maxamed Sheekh C/raxmaan.

Labada Wasiir ayaa su’aalo laga weydiin doonaa weerarkii shalay lagu qaaday guriga Senator Cabdi Qaybdiid oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka Somalia.

Xubnaha Aqalka Sare looga yeeray ayaa waxaa kale oo ku jira Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo isna wax laga weydiinayo wixii ka dhacay guriga Cabdi Qeybdiid.

Dhinaca kale Xildhibaanada Aqalka sare ayaa si aqlabiyad leh ku ogolaaday in madaxweyne Farmaajo uu saxiixo miisaaniyadda dowlada ww sanadka 2018-ka ka dib markii 26 xubnood oo ka mid ah 29 Mudane ee kulanka fadhiyay ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen miisaaniyadda, halka saddex xubnoodna ka aamustay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -