Dabaaldegyo lagu soo dhoweynayo sanadka cusub ee 2018 oo ka bilowday caalamka (Daawo Sawirro)

Dalal ka tirsan caalamka ayaa bilaabay dagaaldegyo waaweyn oo lagu soo dhoweynayo sanadka cusub ee 2018ka oo wadamadii ugu horeeyey uu ka bilowday.

Labada dal ee Australia iyo New Zealand oo ah dalalka ugu horeeyey ee sanadka cusub uu ka bilowday ayaa waxaa ka socda dabaaldegyo waaweyn.

Magaalooyinka Auckland iyo Sydney noqday meelihii ugu horeeyey caalamka ee looga dabaaldego sanadka cusub.

Malaayiin ruux ayaa waxaa ay isugu soo urureen jidadka magaalooyinkas iyagoo daawanaya muuqaalo kala gedisan oo cirka loo tuuray kuwaasoo iftiinkii habeenimo u bedelay maalin cad.

Magaalada London Boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay jidadka kuwaasoo sugaya saacadaha yar ee uga harsan saqda dhexe si ay ugu dabaaldegaan sanadka cusub.

Sidoo kale Magaalada Washington iyo magaalooyinka kale ee Yurub ayaa waxaa la xoojiyey amaanka iyadoo kumanaan boolis dheeraad ah la geeyey goobaha ay ka dhacayaan dabaaldegyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -