Atoore ku caan baxay aflaamta Hindiga oo shaaciyey inuu ku biiray Siyaasadda (Daawo Sawirro)

Actorka aflaamta Hindiga ku can baxay ee Rajinikanth, oo taageerayaal badan dalkaas ku leh, ahna mid ka mid ah kuwa ugu mushaarka badan Aasiya, ayaa ku dhawaaqay inuu siyaasadda galayo.

Rajnikanth oo 67 jir oo inta badan sameeya aflaamta Tamilka ayaa sheegay inuu samayn doono xisbi siyaasadeed isaga u gaar ah ka hor doorashada soo socota ee golaha shacabka ee India.

Rajinikanth wuxuu sheegay inuu doonayo inuu isbeddel ku sameeyo hanaanka gobolka Tamil Nadu oo siyaasad ahaa mid aan degganayn tan iyo markii ay sannadkii hore geeriyootay wasiiraddii gobolkaas, Jayalalithaa Jayaram taasoo qudheeda ahayd jilaa dhinaca filimada ah.

Isagoo ka hadlayey hool ay ka buuxeen taageerayaashiisa, magaalada koonfurta India ku taalla ee Chennai, horena loogu aqoon jiray Madras, ayuu Rajinikanth sheegay in ujeeddadiisu tahay inuu u tartamo dhamaanba 234-ka kursi ee golaha”.

“Haddii aanan go’aankan hadda qaadan, dambi ayaa qoorta ii gali doona” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray “uma samaynayo sababo la xiriira jago, lacag ama magac maadaama aan kulligood haysto” ayuu yiri Rajinikanth oo ah jilaa Soomaalidu u taqaano (Jeestoole).

sida ay sheegtay wakaaladda AFP, Taageerayaasha ayaa dab shidayay, waxayna ku cayaarayeen goobta qoob ka cayaar, ayagoo ku qaylinayey ereyo ay ku taageerayaan Rajinikanth,

Rajinikanth oo magaciisa dhabta ah uu yahay Shivaji Rao Gaekwad, wuxuu wax ka sameeyey iaa 200 oo filim, tan iyo 1975, kuwaasoo in badan oo ka ka mid ah ay kaalimaha hore ka galeen aflaamta dalkaas laga daawado.

 

- Advertisement -