Allbanaadir.com
NEWS

Warar sheegaya in uu xanuunsan yahay Madaxweyne Putin iyo Kremlin-ka oo ka hadlay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta qaar iyo baraha bulshada lagu baahiyay warar sheegaya in xaalad caafimaad darro ay lasoo daristay madaxweynaha mayalka adag ee dalka Ruushka Vladamir Putin.

War kasoo baxay aqalka Kremlin-ka ee looga taliyo Ruushka ayaa beeniyey warka sheegaya in madaxweynaha uu xanuunsan yahay, waxayna ku qosleen xanta joogtada ah ee sheegaysa in uu isticmaalay qof isaga u eg si uu ugu daboolo muuqaallada dadweynaha.

“Wax walba isaga ayaa ku wanaagsan, tani gabi ahaanba waa been abuur kale .Tani waxay ka tirsan tahay qaybta been abuurka macluumaadka aan macquulka ahayn ee taxanaha ah ww warbaahinta ” ayuu yiri afhayeenka aqalka Kremlin Dmitry Peskov.

Afhayeenka ayaa ku qoslay isaga oo ka jawaabaya su’aal kale oo ku saabsanayd qof Putin eg, wuxuuna beeniyay in madaxweyne Putin uu haysto qof isaga u eg haysto, waxa uuna xusay in warrakaasi yahay kuwa dacaayad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Dil u geestay Adeerkiis Hooyadii qabi jiray iyo Nin kale oo Dilka la fuliyay oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay booqashadi Madaxweyne Xasan Shiikh ku joogay Sacuudiga

Caydiid Ali

Inta badan Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Wadnaha farta ku haya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---