Allbanaadir.com
NEWS

Inta badan Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Wadnaha farta ku haya

Walaac iyo xasilooni daro ayaa lasoo daristay qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir , kadib markii uu bilowday isbadal lagu sameenayo Gudoomiyaasha.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay in isbadal ay ku sameenayaan Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir si loo dar dar galiyo howlaha gobolka, waxaana xilka laga qaaday labo kamid ah Gudoomiyaashii degmooyinka .

Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa hada waxaa lasoo darsay cabsi ay ka qabaan in xilka laga qaado, waxa uuna aaminsan yahay mid kasta oo kamid ah Gudoomiyaasha in xilka laga qaadayo inkastoo aysan ogeyn xiliga rasmiga ah .

Mudo sanad ka badan ay shaqeenayeen Gudoomiyaashan ayaan jirin wax isbadal muuqda ama horumar ay kusoo kordhiyeen Degmooyinka ay maamulaan, waxaana inta badan lagu eedeenayaa in dib u dhac u horseedeen degmooyinka ay maamulaan.

Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir oo u badan kuwa qurbaha ka yimid ayaa hada sii xir xiranaya boorsooyinkooda, waxa ayna qaarkood siiba uruursanayaan lacago ay magaalada kusii joogaan marka shaqada laga eryo.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaan ku qanacsaneyn in maamulada Degmooyinka gobolka Banaadir loo dhiibo dad Qurbaha ka yimid iyo dad aanbo aqoon u laheyn Degmooyinka loo dhiibay in ay maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddi loo saaray hubkii lagu boobay Caabudwaaq (Magacyada)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiiro reer Galbeed ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

C/raxman C/shakur: “Waxaa ka socota Baarlamanka ciyaar garsooraha & laacibka hal qof isku yihiin”

Caydiid Ali