Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha Waddada Jamhuuriya ee Muqdisho (Sawirro)

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)yaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddo Laami ah oo isku xiraysa isgoosyada Fagax iyo Xaawa Casir ee Degmada Kaaraan .

Waddadan ayaa dhaqaalaha lagu dhisayo la sheegay in qaar kamid ah ay baxiyeen dadka deegaanka, halka lacagta kalana uu maamulka gobolka Banaadir ka bixinayo  barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Munaasabada dhagax dhiga dhismaha waddadan waxaa goob Joog ka ahaa  masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Kaaraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kaaraan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir  ayaa tilmaamay in ay sii socon doonaan talaabooyinka lagu horumarinayo biicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda, isaga oo ugu baaqay bulshada in ay jeeb kooda furaan si loogu guuleysto hirgalinta mashaariic hor leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif oo arimo Xasaasi ah ka hadlay Fariina u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Dowladda Federaalka oo digniin adag u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Daawo:-Duqeynta Kenya ee Gedo & Qorshaha Xassan Shiikh ee Ka dhanka ah Villa Somalia.

admin
Taboola Ads ---