Dowladda Soomaaliya oo bilaabeysa bixinta abaal marin cusub oo Sanadle ah

Wasaaradda Arrimaha dibeda ee dowlada Somalia ayaa shaacisay iney bilaabeyso bixinta abaal-marin cusub oo loo bixiyey (Hodan Naleyeh Award).

“Iyadoo la xurmaynayo nolosha hal abuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumada Somalia waxay bixin doontaa Insha allah Abaal-marinta Hodan Nalayeh)” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in sanad kasta abaal-marintan la siin doono qof ka tirsan qurba joogta Soomaaliyeed oo wax muuqda u qabtay bulshada.

Hodan Naaleeye waxay ka mid aheyd dadka fara ku tiriska ee Qurbaha ka yimid oo soo kordhiyay hal abuur lagu xoojinayo Nabadda, wacyigelinta bulshada, horumarinta dhulka Soomaalida, soo bandhigida bilicda dalka iyo nolosha dadka reer miyiga ee dhulka Soomaalida, sidoo kale waxay aheyd howlkar sama fale ah oo soo gudbisa dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ka jira guud ahaan dalka.

Hodan Naaleeye iyo seygeeda ayaa ka mid ahaa 26 qof oo ku geeriyooday qaraxii Jimcihii ka dhacay magaalada Kismaayo kaasoo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -