Allbanaadir.com
NEWS

Cabdi Macalin Cabdulle oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka (Sawirro)

Cabdi Macalin Cabdulle oo Magaciisa afgarashadu yahay Hamza, kana tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qeybta 60aad sida lagu sheegay war laga sii daayey Idaacada ciidanka XDS

Cabdi Macalin oo Muddo 5-Sano ah ka tirsanaa Qeybta Jabhadaha ee Al-shabaab, ayaa ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolada Bay, Bakool, Galgaduud, Hiiraan, Gedo iyo Jubbada hoose.

Sababta uu isku-soo dhiibay ayuu ku sheegey inay tahay dhibaatada hadda ka dhex jirta Al-shabaab iyo inuu u adkeysan waayey Gulufka culus ee lagu beegsanayo kooxdaas.

Waxaa saaxiibadii oo uu duurka kaga soo tagey ugu baaqay inay isku soo dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka, isagoo xusay in si wanaagsan loo dhoweeyey uuna ku faraxsan yahay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy oo ku laabtay furumaha Dagaalka Guulana hormuud u noqday

Cabdi Cade

Diyaarad Rakaab oo Waqtigii ugu dheeraa hawada ku jirtay oo New Yourk ka degtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xisbiga Midnimo Qaran oo xusey Sannadguuradii 5-aad ee Aasaaskiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---